1. Sebben tegey mid weli soo socdiyo saaka waxa jooga,
Saddexdaa waqti baa xaal addun lagu sifeeyaaye,
Soo noqod ma jiro shalay wixii saadufoo tegaye,
Waxa saaddambeetiyo berrina waa su’aal maqane,
Waxay taladu kuu suubban tahay subaxaad joogtaaye.
Xaaji aadan afqallooc
2. Aboorkuba alleylkuu dhisaa aqallo waaweyne,
Markii ururay daartuu ebyaa la ashqaraaraaye,
Ilkuhu wada jirkoodey hilbaha adag ku goostaane,
Hadday iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene.
Xaaji aadan afqallooc
3. Inaad luqunta hogaamisiyo hogasho ciil baa leh
Meeshiyo habeen aakhirana hibasho maag baa leh.
Nuur xiddig
|