Somaliway.com

Dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed

Arar | Luqad | Xiriir | Forum|

Sheeko Gaaban

quracSaddex nin baa beri wada socdaalay. Markay in socdeen baa ka hor yimid nin awr baadi ah raadinayay: wuxuuna weydiiyey haddii ay arkeen awrkaa iyo in kale, markaas bay ugu jawaabeen in aysan arag.

Markay arrintu halkaa mareyso baa nimankii midkooda, inta soo booday, yirey:-

"War awrku ma il la'aa?" kii labaad baa isna yiri: "Awrku ma daba la'aa?" kii saddexaadna: "Awrku heeryo ma saarnayd?"

Suuye, "war tilmaamaha aad sheegteen oo dhan wuu lahaaye, xaggee baad ku aragteen?"

"Ma aanan arag" bay ugu warceliyeen. Halkii buu saddexdii nin ku qabsaday.

Markaas bay is raaceen, waxayna u tageen garsoore si uu u gar naqo.

Markuu waraystay siday ku ogaadeen astaamaha uu awrku lahaa ayaa kii ugu horeyey yidhi:-

"Dhinac keliya ayuu geedka ka daaqay" Kii labaadna "saaladiisu ma firidhsanayn ee meel bay wada tubnayd" Kii saddexaadna wuxu yiri: "raadkiisu hoos buu dhulka u disay"

Wuxuu garsoorihii caddeeyey inaysan sadexda nin awrka arag, ninkiina baadi doonkiisii buu halkii ka watay.

Saddexleey

1. Saddex madaxday dishaa :

Gar leexsan,

Gacan laaban iyo

Guddoon jilicsan;

   
 

2. Saddex faankoodu waa been :

Bakhayl,

Fuley iyo

Beenaale;

 
   

3. Saddex saddex lama heshiiso:

Nin qosol badan iyo nin qoonsimaad badan,

Nin qab weyn iyo nimaan u qabin,

Nin quud jecel iyo nimaan u quudhin.

Murti Soomaaliyeed
"Go'aan jiir"



doolli/jiirJiir baa meel degganaa. Hog ayey ka dhisteen meeshaas.
Bisad baa godkii ku ogaatay, waxayna ku sugtay godka afkiisa, midkii soo baxaba way cuntaa.
Markay bisadii cuntay dhowr jiir, ayey talo ku cadaatey jiirkii.
Malintii dambe ayey shir qabteen.
Jiir oo dhammi shirkaa wuu ka soo qayb galay:- mid yar, mid weyn, iyo mid caaqil ahba.
Talo waxay ku dhammaatey in bisada layska qabto. Waxaase la is- weydiiyey sida laysaga qaban lahaa bisadda.
Madaxdoodi waxay ku talisay in bisadda koor qoorta loo geliyo.
Jiir waaya-arag ah baa kacay oo yiri:-
"in koor qoorta loo sura way fiican tahay, waxaase la rabaa ninkii u suri lahaa".

Talo iyo shir jiir halkaas ayaa u dambeysey.
-chatsomali

EREY-BIXIN

jiir=doolli
hog=god
bisad=mukulaal
caaqil=waayeel, madax
koor=dawan
talo=arrin


TOP

reer guuraaMurti soomaaliyeed

 

Sida aad ogtihiin soomaalidu badanaa ma dhaafin wax qoraal ah. Marka ay wada kulmayeen, wada xaajoonayaa, wada ciidayaan ama wax so socda isu sheegayeen; waxey isu tirin jireen ama ku shirbi jireen "Gabayo".

Inkastoo aan anigu goobjoog u ahayn, waxaa i so gaartey in, inta ayan dhalan dowladnimada soomaaliyed, in uu odey ku magac dheeraa Sheekh Gabyow tiriyey tixdaan:- "Waxaa jirta "saddex sagaalaad:

-sagaal AJUURAAN

-sagaal JIIDDO

-sagaal ABGAAL

 

Saddex sagaalaad soddon ma guuraan.

 

Sanayaal haddii la jogo waxaa la saxiixi doonaa "Soomaaliweyn", soomaaliweyntaas waxey noqon doontaa Saddex SAF:-

1. SAF inta seerada gooyaan, ayeey SUUNLEEY caano ku maali doonaan;

2. SAF na saraha ayaa lagu saamidoonaa;

3. SAF na ayagoo leh:- "Soomaaliyeey, Soomaaliyeey...??"- ayey nafta silac ugu suulidoontaa.

ERAY BIXIN

-AjuuraanN: waa dad soomaali ah oo weligoodba degaan- wadaagaye Abgaalka, xoolaaleey iyo beeraleey u badan;

-Jiiddo : waa soomaali degta shabeellada hoose, Qoryooleey, Diinsoor, Jilib iyo Burhakaba, una badan xoolaleey iyo beeraleey;

-Abgaal : soomaali, xoolo dhaqato iyo beeraleey, kuna dhan gobolka Benaadir, Mareeg, Geedraran, Masegaway...

 

1-seerada : soohinta ama soohdinta

2-suunleey : dhiisha yarta oo xariga leh ee gacanta lagu qabsado, laguna shubto caanaha;

3-saamidoonaa: lagu ilaalin doonaa (waxa ay ka dhigan tahay in ay yihiin dad naftooda loo baqo sida madaxda);

4-suulidontaa: bixi doontaa (waxa ay ka dhigan taahay in ay jiri doonaan dad gaaja iyo silic u dhimanayo).-

TOP

II:- Waxaa jirtay sheeko dhexmartay labo nin oo jid ku wada kulmay, ayagoo safar ah.

Mid, Shekh Xussen, waxaa uu degganaa magaalada ay u wada socdeen, midka kalena, Xaydar, safar socoto ayuu ahaa. Muddo mar ay socdeen ayaa uu Xaydar ku yirey Shekh Xussen :- " Nin yahoow, i qaad ama aan ku qaado . "

Xusseen isagoo yaaban ayuu ugu jawaabey : " War anigu kuma qaadi karee, adiguna sidoo kale ima qaadi kartidee, aanu wada soconno. "

Markii ay soo wada galeen magaalada, ayuu odaygii Xussen ka leexday Xaydar, isagoo isla markaa u tilmaamaya in uu deggan yahay guryaha guriga ugu weyn.

Mar alla markii uu gurigiisa tegay ayaa gabdhihiisa gabar ka mid ah, Asli, ka wareysatey safarkiisa :

" Waxaan soo arkey nin i yiray : 'i xumbaar ama aan ku xumbaaro' " waxaan ugu jawaabey : " kuma xumbaarikaree, haddaad ii baahatid halkaas ayaan degganahay" ;

Asli inta ay qososhey, ayey ku tiri:- "Aabbe, orodoo ninkaa safarka ah ka doon masaajidka".

Sidii ayuu haddaba Xaydar ku soo galay gurigii Xussen; Aslina halkaa ugu diyaargareysey cunto. Cuntadii waxey ugu dhiibtey gabar u shaqeeyneysey, ayadoo fareyso in ay u tiriso Xaydar, tixdaan:-

"Bishu waa saddex,

Xiddiguhu waa siddeed;

Badduna waa buuxdaa."

Jawaabtii Xaydar u soo tebiyey Asli, markuu cuntada dhammeeyey, waxey noqotey:-

"Bishu waa labo,

Xiddiguhu waa shan,

Badduna waa caari".

 

Halkaas ayey Asli iyo Xaydar isku afgarteen, odaygii Xussen na ugu wada duceeyey.-

( fiiri eray-bixinta hoose)


Eray -bixin

i xumbaar ama aan ku xumbaaro waxa ay ka dhigan tahay:- "ii sheekeey ama aan kuu sheekeeyo":

bishu = waa canjeerada

xiddiguhu = waa hilibka

badduna = waa maraqa

caari ama caarid = waa erey loo isticmaalo badda , marka xeebtu durukto

Asli jawaabta Xaydar waxey ka fahantey in boyessadii , cuntada dhexda ku cuntay.-



TOP
jiifMURTI

Goo' Goos

1-Duco dhammaanteed waa dhuroow= nasiibso oo Ilaah kuma dhibo;

2-Habaar dhammaantii waa : dhimo oo wax ha reebin= waa inkaar;

3-Habaarka wuxuu u kala baxaa saddex: 2 - 10 - 150

-labada waa labadii ku dhashay;

-tobanka waa tolkaaga oo kuu yimid;

-boqolka iyo kontonka waa: raad ha reebin;

4-Xoolahaada waa lagu ciyaara laakiin sharaftaada iyo shaqadaada laguma ciyaaro;

5-Hadalka beenta ah wuxuu baabi'iyaa runtaada dambe;

6-Sheeko gaaban oo dhexmartey wiil iyo aabihii; waxeyna ahaayeen malaaydabata :

Wiilka aabihii ayaa jiradey oo sakarad noqday: wiilkii wuxuu, sariirta sakaraadka, ku kor weydiiyey aabihii:

" Aaboow, aaqira shamaak mala dhigtaa".

Aaabihii , isagoo u jawaabaya, kuna gubaabinaya inuusan meel iska fariisan, wuxuu ugu jawaabey:

"Maandhoobaa, ninna maharad la'aan meel uma fadhinayo."


TOP

(sheeko soomaali)

LABA DAMEER

dameer

Nin baa wuxuu lahaan jiray laba dameer oo uu ugu dhaamin jiray magaalo. Nafaqada reerkiisana halkaa ayey ka soo geli jirtey. Laakinse wuxuu ahaa nin aan naxariis lahayn, cawska iyo balka na si fiican uma siin jirin.

Labadii dameer markii ay u adkeysan waayeen dhaqan iyo dhaqaale xumada lagu hayey ayey ku tashadeen in ay fakadaan oo ay galaan duurka. Habeenkii dambe ayey labadii dameer fakadeen oo aadeen duurka iyo baadiyaha fog. Halkasna, waxay ka heleen doog fara badan, aadna way u cayileen una raysteen.

Muddo kadib ayaa Jiilaal soo food saaray, noloshiina ku yar adkaatay, markaas ayaa labadii dameer midkood yiri: "War ina keen ku noqonee ninkii ina lahaa intaan jilaalkani cidla inaga helin". Midkii kale baa wuxu ku jawabay: "War aakhirona meel la tago lehee, anigu ku noqon maayo ninkii an ogaa. Jiilaalkaas baan ka doortay rarasho iyo gumaysi aan naxariis lahayn."

Labadii dameer midkood wuxuu ku haray doorkii, kii kalena wuxu u soo laabtay ninkii lahaan jiray. Ninkii ayaa, isla mar ahaantiiba heeryadii saaray oo raray kuna dhaansaday. Dhowr bilood ka bacdi ayuu yidhi : "War dameerkii kale halkaad kaga timid, kaalay i tus". Ninkii iyo dameerkii ayaa isa soo raacayoo. Waxay aadeen duurkii, waxayna u tageen dameerkii kale oo roob u da'ay, aadna u cayilay, 'geeso dhaadheerna' bixiyey. intay ka cabsadeen ayey dib uga soo laabteen.

Dameerkii gumeysiga iyo rarashada diiday wuxuu isku beddelay biciid oo kale, kii oggolaadey gumeysiga iyo darxumaduna wuu itaal gabay, wuuna ka shallaayey.

(sheeko soomaali)

TOP

qalawAfar Nin oo Walaalo ah

Waxaa la yiri, afar nin baa walaalo ahaa. Nin wuxuu ahaa caalin, ninna geesi, ninna deeqsi, ninna abwaan. Afartii baa maalin is qabtay, oo ku murantay taladii reerka. Caalinkii baa yiri : " talada ha la ii daayo, maxaa yeelaay, idinku caamaa tihiin; nin caama ahna wa nin camma ah. Anigu diinta iyo shareecadaan aqaan, kolkaas waa in talada la ii dhaafo".

Markaasaa geesigii kacay oo yiri : "nimanyahow waa ogtihiinoo geesi baan ahay, ninkii inagu soo duulana warankeygaas baan daraa, haddanan aniga laygaga kiin cabsanayn, waa horaa laydiin dhici lahaa. Sidaa awgeed talada ha laygu daayo.

Deeqsigii baa soo booday oo yiri : "bal horta anigu deeqsi baan ahay, waxaad ku dhaqantihiin waa gacanteyda oo ragna idinka jeedinaysa, xirsixirna idin ah, la'aantaydana waa horaa hunguri ama il laydinku dili lahaa".

Abwaanlkii wuxuu yiri saddexdiina ninba meel gaar ah ayuu wax ka qaban lahaa ee ninkiina reer ma wadi karo. Wadaadoow adigu hanuuniye ayaad tahay, Geesiyow daafaca ayaad tahay, Deeqsiyowna soore ayaad tahay. Aniguse dhammaantiin baan ahay. Ninka isku kiin wada waa aniga. Cilmi waa maxay? Caqli la ururshay, ee aniga talada ha lay daayo."

Afartii nin way heshiin waayeen, hase ahaatee, cid kala saarta bay doonteen. Waxayna u tageen degmo oo u warrameen. Degmadii waxay tiri, " bal waa tahay, meeshu libaax bay leedahay, habeen walbana qof baa loo xiraa. Degmada qof bay iska soo saari jirtay ee haddii Eebbe idin keenay, horta caawa ninkii iska soo saara". Hadalkii oo la hayo ayey raxantii libaaxa soo baxday. Abwaankii baa kacay oo yidhi : " Waar quraan inakaga akhri".

Wadaadkii wuxuu yiri, "Alamtara libaaxu lahaayoo soo dhaaf";

Geesigii wuxuu yiri "Anigu hubba ma sito warankaas raawiska ah mooyee"

Deeqisiigii baa yidhi " Anigu laftaydaan u gaajaysan".

Markaas baa Abwaankii yidhi "Waar waa afarta libaax, annaguna nin waanu idin siin, hase yeeshee, ninkaasi wuxuu leeyahay cad johoradda leh oo cimriga raajisa ee ayaa idiin cunaaya?

Markaas baa gooshii tiri " Aniga". Kolkaasna, aarkii dharbaaxo ku qaaday oo dheg iyo dhafoor fujiyey. Haddana, baranbaraqadii yarayd baa tiri, " waa aniga", kolkaasna , aarkii yaraa dharbaaxo indhaha ku xaabiyay.

Intii ay dirirayeen ayaa dadkii warmo iyo budhadh la dhacay libaaxyadii, dabadedna la dilay oo wada dhinteen.

Markii lays warsaday ciddii keentay fikrada libaaxyadu ku dirireen oo lagu dilayna, waxaa laysku raacay inuu ahaa ninka abwaanka, sidaas awgeedna, dadkii oo dhan baa yidhi " Abwaanka hala boqro, taladana ha loo dhiibo".

Erey-bixin

caamo = inta aan cilmiga lahayn
camma = indhoole
xirsixir = nabaaddiinaxirid
degmo = beel ama cid
raawis = daab qurxin

ubaxMaahmaah

Saddex lalama rafiiqo:-

Nin aan run aqoon;

Nin aan rabbi aqoon;

Nin aan rag aqoon;

qorrax

Sheeko Gaaban

Saddex nin baa beri wada socdaalay. Markay in socdeen baa ka hor yimid nin awr baadi ah raadinayay: wuxuuna weydiiyey haddii ay arkeen awrkaa iyo in kale, markaas bay ugu jawaabeen in aysan arag.

Markay arrintu halkaa mareyso baa nimankii midkooda, inta soo booday, yirey:-

"War awrku ma il la'aa?" kii labaad baa isna yiri: "Awrku ma daba la'aa?" kii saddexaadna: "Awrku heeryo ma saarnayd?

Suuye, "war tilmaamaha aad sheegteen oo dhan wuu lahaaye, xaggee baad ku aragteen?" "Ma aanan arag" bay ugu warceliyeen. Halkii buu saddexdii nin ku qabsaday.

Markaas bay is raaceen, waxayna u tageen garsoore si uu u gar naqo.

Markuu waraystay siday ku ogaadeen astaamaha uu awrku lahaa ayaa kii ugu horeyey yidhi:-

"Dhinac keliya ayuu geedka ka daaqay" Kii labaadna "saaladiisu ma firidhsanayn ee meel bay wada tubnayd" Kii saddexaadna wuxu yiri: "raadkiisu hoos buu dhulka u disay"

Wuxuu garsoorihii caddeeyey inaysan sadexda nin awrka arag, ninkiina baadi doonkiisii buu halkii ka watay.

 

"SADDEX DADKAA KUGU NACA"

Barya badan,
Baahi badan,
Bugtaan badan


Ka sokow murtida ku jirta erayadan ee uu qof kasta fahmi karo, ujeeddadeena waxa ay tahay in erayada si gaar ah aan u dhuuxno:-

1)-BARYO : hadal cid wax lagaga doono/ tuugmo/
cawabbaryood
;

2)-Baahi : wax waxtar ah ama lagamaarmaan ah, haddana aan
la haysanin/
wax in la helo ama la haysto la jeclaan lahaa,
gaajada loo qabo;


3)-BUGTAAN : Fayoobi la'aan/ cudur/ Jirr
o

Waxaa tilmaan mudan in erayga "Baahi" uu macna kale yeelan karo
sida:-
F.G.:-BAAHI = dhulka wada gaarsii = Faafi;
Murtidaan waxey garab taallaa mid kale ee ay soomalidu
isticmaasho taaso ah :-


"TUUGMO AADAMI TUUR AYEY KUU YEESHAA"

(murti iyo maahmaah soomaaliyeed)

TOP

 

Infos