Somaliway.com

Dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed

Arar | Arkiviyo | Xaaji-Cali | Xiriir | Forum

"Maahmaahyo murti ah"

1. Saddex madaxday dishaa :

Gar leexsan,

Gacan laaban iyo

Guddoon jilicsan;

   
 

2. Saddex faankoodu waa been :

Bakhayl,

Fuley iyo

Beenaale;

 
   

3. Saddex saddex lama heshiiso:

Nin qosol badan iyo nin qoonsimaad badan,

Nin qab weyn iyo nimaan u qabin,

Nin quud jecel iyo nimaan u quudhin.

Laba Nacas

 

Waxaa la yiri, maalin baa laba nacas wada socdaaleen. Waxay socdaanba, goortay meel ilaahay og yahay marayaan, ayey haraad iyo surmi lug riixi waayeen. Cid ay ku eertaan oo meelahaas ka dhowina ma jirto. Kolkaasay geed hoos fadhisteen oo cabbaar hadhkii ku nasteen.

Labada nacas kii weynaa ayaa saaxiibkiis ku yiri :

"War hebel, war waatan oo harraad baynu u baqtiyeynaayee, maxaaynu yeelnaa?"

Kii yaraa baa yiri:

"Wallaahi hebel, wax aynu samayno garan maayo."

Kii weynaa baa yiri:

"War heedhe, war balligii meel hebla ku yiil ee aynnu shalay soo ag marnay, ayaa meel biyo ceshata inoogu dhowe, orod biyo inooga doon, anigu kici kari maayo e."

Kii yaraana hadal kuma soo celinne, halkii buu orod isa sii daayey. Wuxuu sii hashleeyaban goortu balligii gaadhay, ayuu ciil dibinta qaniinay. Wuxuu u tegey balligii oo goof ah oo aan bar biyo ah lagu ogeyn. Halkii buu isaga oo gorodda laalaadinaya soo hungo lugeeyey.

Wuxuu soo jiitamaban saaxiibkiis buu u yimid habeen badhkii dambe. Kolkaasuu meel agtiisa ah ku gataati dhacay. Gab! Kii baa madaxa kor u qaaday oo xaggan u baallo daymooday. Kolkuu arkay ninkii yaraa oo neeftii ku ceshoontey, ayuu naf iyo nololba ka quustay.

Ku ye:

"War hebel, war balligii ma tagtay? Wax biyo ahse ma ka heshay?"

Kii yaraa oo hadalku dirqi kaga soo baxayo baa yiri :

" Tegey, waxna kama helin."

War ma Ilaah baa kugu og?

Wallaahay waa engegnaaba!

War hebel, war ma hubtaa?

Waa buhaa.

Intaas markii lays weydaarsaday, ayaa kii weynaa iska kacay oo xaggii balliga dib ugu laabtay. Kii yaraa baa yiri :

"War xaggaad hadda u noqotay?"

Ku ye:

"Balligii baan ku soo quusanayaa."

Kii yaraa baa isna ka daba kacay. Kolkaasaa kii weynaa weydiiyey :

"Oo adna xaggeed ku socotaa?"

Markaasaa kii yaraa yiri :

" Dee anna balligii baan kugula soo quusanayaa."

 

reerguraa.gifjiifgeeska

 


Infos