Saddex madaxday dishaa :
Gar leexsan,
Gacan laaban iyo
Guddoon jilicsan; |
Saddex faankoodu waa been :
Bakhayl,
Fuley iyo
Beenaale; |
Saddex saddex lama heshiiso:
Nin qosol badan iyo nin qoonsimaad badan,
Nin qab weyn iyo nimaan u qabin,
Nin quud jecel iyo nimaan u quudhin. |
Saddex lalama rafiiqo:
Nin aan run aqoon;
Nin aan rabbi aqoon;
Nin aan rag aqoon; |
Saddex saddex bay ku baraan:
Baahidu ducadey ku bartaa,
Bentuna faankay ku bartaa,
Baryaduna fadhi bay ku bartaa. |
Saddex dadkaa kugu naca :
Barya badan,
Baahi badan,
Bugtaan badan |
Saddex lama derso:
Kaa done kuu diida,
Kugu dire kaa diga,
Kula derse ku danqaaba. |
Saddex urur baa leh:
Caqli,
Ciidan iyo,
Calaf. |
Saddex saddex kama dheregto:
Ili daymo kama dheregto,
Dhulna biyo kama dhergo,
Dhegina war kama dheregto. |
Saddex markaan bartaan ka gaboobay:
- Dab ololintiis
- Carruur aamusinteed
- iyo awr carraabintiis |
Saddex saddex baa lagu caddeeyaa:
- Hadal run baa lagu caddeeyaa
- ilkana rumey-
-Middina raawin |
Saddex laguma dagdago:
- Mas'alo guur
- Maghrib roobaboow
- Madi dhaxalkiis |
Saddex lama arag:
Marti nin ka yar
Muddo maalin ka yar
Salaad ragcad ka yar |
Saddex la lama dego:
- Doqon fiiro taqaan,
- Fulay daandaansi yaqaan
- iyo geesi damac yaqaan |
Saddex lalama colloobo:
1.nin cagtaada yaqaan
2.nin codkaaga yaqaan
3.iyo nin ciddaada yaqaan |
Saddex saddex ayaa lagu gudaa:
1 - Saan saan ayaa lagu gudaa
2- Saxan saxan ayaa lagu gudaa
3- Salaan salaan ayaa lagu gudaa
|
Rag waxa ugu xun saddex nin:
Nin maqan oon la tebin.
Nin Jooga oon la tirin.
iyo Nin tegaya oon la celin |
Gartu sideedaba waa saddex heer:
- waa mar aad garan weydo
- mar aad gaari weydo
- iyo mar ay kula gudboontahay |