Dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed ...  
  Sheekooyin ::
    "Hadal aan fiirso loo oran iyo caano aan fiiqsi loo dhamin, way kula fogaadaan"
Sheeko soomaaliyeed
    Afar nin oo walaalo ah
qorrax qorrax qorrax qorrax

Afar Nin oo Walaalo ah

Waxaa la yiri, afar nin baa walaalo ahaa. Nin wuxuu ahaa caalin, ninna geesi, ninna deeqsi, ninna abwaan. Afartii baa maalin is qabtay, oo ku murantay taladii reerka.
Caalinkii baa yiri : -
" talada ha la ii daayo, maxaa yeelaay, idinku caamaa tihiin; nin caama ahna wa nin camma ah. Anigu diinta iyo shareecadaan aqaan, kolkaas waa in talada la ii dhaafo".
Markaasaa geesigii kacay oo yiri : -
"nimanyahow waa ogtihiinoo geesi baan ahay, ninkii inagu soo duulana warankeygaas baan daraa, haddanan aniga laygaga kiin cabsanayn, waa horaa laydiin dhici lahaa. Sidaa awgeed talada ha laygu daayo."
Deeqsigii baa soo booday oo yiri : -
"bal horta anigu deeqsi baan ahay, waxaad ku dhaqantihiin waa gacanteyda oo ragna idinka jeedinaysa, xirsixirna idin ah, la'aantaydana waa horaa hunguri ama il laydinku dili lahaa".
Abwaanlkii wuxuu yiri :-
“saddexdiina ninba meel gaar ah ayuu wax ka qaban lahaa ee ninkiina reer ma wadi karo. Wadaadoow adigu hanuuniye ayaad tahay, Geesiyow daafaca ayaad tahay, Deeqsiyowna soore ayaad tahay. Aniguse dhammaantiin baan ahay. Ninka isku kiin wada waa aniga. Cilmi waa maxay? Caqli la ururshay, ee aniga talada ha lay daayo."
Afartii nin way heshiin waayeen, hase ahaatee, cid kala saarta bay doonteen. Waxayna u tageen degmo oo u warrameen. Degmadii waxay tiri:-
 " bal waa tahay, meeshu libaax bay leedahay, habeen walbana qof baa loo xiraa. Degmada qof bay iska soo saari jirtay ee haddii Eebbe idin keenay, horta caawa ninkii iska soo saara".
Hadalkii oo la hayo ayey raxantii libaaxa soo baxday.
Abwaankii baa kacay oo yidhi : " Waar quraan inakaga akhri".
Wadaadkii wuxuu yiri, "Alamtara libaaxu lahaayoo soo dhaaf";
Geesigii wuxuu yiri :"Anigu hubba ma sito warankaas raawiska ah mooyee"
Deeqisiigii baa yidhi: " Anigu laftaydaan u gaajaysan".
Markaas baa Abwaankii yidhi :"Waar waa afarta libaax, annaguna nin waanu idin siin, hase yeeshee, ninkaasi wuxuu leeyahay cad johoradda leh oo cimriga raajisa ee ayaa idiin cunaaya?"
Markaas baa Gooshii tiri " Aniga". Kolkaasna, aarkii dharbaaxo ku qaaday oo dheg iyo dhafoor fujiyey. Haddana, baranbaraqadii yarayd baa tiri, " waa aniga", kolkaasna , aarkii yaraa dharbaaxo indhaha ku xaabiyay.
Intii ay dirirayeen ayaa dadkii warmo iyo budhadh la dhacay libaaxyadii, dabadedna la dilay oo wada dhinteen.
Markii lays warsaday ciddii keentay fikrada libaaxyadu ku dirireen oo lagu dilayna, waxaa laysku raacay inuu ahaa ninka abwaanka, sidaas awgeedna, dadkii oo dhan baa yidhi:-
 " Abwaanka hala boqro, taladana ha loo dhiibo".


dib u noqo

 
 
Infos
Somaliway.com ©1999-2012