AFAR WARAABE
Afar waraabe ayaa isu yimid. Waanay kala raageen oo muddo badan bay dhulkoodaas ku kala qaraabanayeen. Mid baa kii kale waraystay oo yir i:-“War bal iska warran? Sidee baad tahay?”
Wuxuu yiri:- “Ninyahow ma nooliyo waa liitaa. Wixii aad orod igu ogeyd, waxba maanta kama joogaan. Alxamdu Lillaahi hase ahaato e, dhal gammaan orodkaan kaga dhergaa”.
( Waxaa la yiri, dhasha gammaanka - fardaha dhashoodu- waa kuwa ugu dheereeya wax alla wixii afar lugood ku orda.)
Markaas waraabahaasi markuu orodkiisii ka dayriyey, wuxuu yiri:- “ Dhal gammaan orodkaan kaga dhergaa”.
Kii labaad baa isna markaa wuxuu yiri :- “ Anna waxaad arag igu ogeyd, indho ma jiraan oo araggii waan ka liitaa. Hase ahaato e, Ilaahey mahadiiye, habeen mugdi ah, cirkoo da’aya, tog biyo marayaan irbadda ku dhacda ayaan arki karaa.”
Waraabihii saddexaad baa yiri:- “Anigu ilko ma hayo. Wax alla wixii aan hilbaha iyo lafaha iska jajabsan jirey, maanta ilko laygyuma oga. Hase ahaato e, Ilaahay mahaddiis, kuraankurta dameeraha waxaan indhaahdaa, “ ma cad baa ma carjaw? Ma kan baa ma kelli?...( waxaa la yiri, kuraankurta dameeruhu wax alla wixii la garaaco, iyadaa ugu adag.)
Waraabihii afraad baa la yiri: “ War bal maqalkaagii ka warran? Sidee u dhego fayowdahay?” Wuxuu yiri:-
“Maqal! Waagi hore meel dheer baan wax ka maqli jirey. Haddana maqal ma jiro. Dhegihii waa i awdmeen! Hase ahaato e, Eebbe mahadi ha ka gaadho e, todoba tog oo biyo marayaan, kan u shisheeya sagaarada fadhida ayaan raabsigeed maqlaa, ‘ Yakam, Yakam, Yakam’, goortay leedhahay. Haddee maqal halkaasaan ka joogaa”.-
dib u noqo |