Dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed ...  
  Sheekooyin ::
    "Hadal aan fiirso loo oran iyo caano aan fiiqsi loo dhamin, way kula fogaadaan"
Sheeko soomaaliyeed
hiddo   Awr baadi ah

sheeko awr baadi ah

Saddex nin baa beri wada socdaalay. Markay in socdeen baa ka hor yimid nin awr baadi ah raadinayay: wuxuuna weydiiyey haddii ay arkeen awrkaa iyo in kale; markaas bay ugu jawaabeen in aysan arag.
Markay arrintu halkaa mareyso baa nimankii midkooda, inta soo booday, yirey:-
"War awrku ma il la'aa?"
kii labaad baa isna yiri: "Awrku ma daba la'aa?"
kii saddexaadna: "Awrku heeryo ma saarnayd?"
Suuye, "war tilmaamaha aad sheegteen oo dhan wuu lahaaye, xaggee baad ku aragteen?"
"Ma aanan arag" bay ugu warceliyeen.
Halkii buu saddexdii nin ku qabsaday.
Markaas bay is raaceen, waxayna u tageen Garsoore si uu u gar naqo.
Markuu waraystay siday ku ogaadeen astaamaha uu awrku lahaa ayaa kii ugu horeyey yidhi:-
-"Dhinac keliya ayuu geedka ka daaqay"
Kii labaadna : "saaladiisu ma firidhsanayn ee meel bay wada tubnayd"
Kii saddexaadna wuxu yiri: "raadkiisu hoos buu dhulka u disay"
Wuxuu garsoorihii caddeeyey inaysan sadexda nin awrka arag, ninkiina baadi doonkiisii buu halkii ka watay.-
dib u noqo

 
 
Infos
Somaliway.com ©1999-2012