Sida aad ogtihiin soomaalidu badanaa ma dhaafin wax qoraal ah. Marka ay wada kulmayeen, wada xaajoonayaa, wada ciidayaan ama wax so socda isu sheegayeen; waxey isu tirin jireen ama ku shirbi jireen "Gabayo".
Inkastoo aan anigu goobjoog u ahayn, waxaa i so gaartey in, inta ayan dhalan dowladnimada soomaaliyed, in uu odey ku magac dheeraa Sheekh Gabyow ku hadley sidatan hoose:-
"Waxaa jirta:- Saddex sagaalaad:
-Sagaal AJUURAAN
-Sagaal JIIDDO
-Sagaal ABGAAL |
Illowse:-
Saddex sagaalaad soddon ma guuraan.
|
(Waa faal soo baxey mar Somaaliya loo qoryo tuurey)
Sanayaal haddii la jogo waxaa la saxiixi doonaa "Soomaaliweyn": Soomaaliweyntaas waxey noqon doontaa:-
1. SAF inta seerada gooyaan, ayeey SUUNLEEY caano ku maali doonaan;
2. SAF na saraha ayaa lagu saamidoonaa;
3. SAF na ayagoo leh:- "Soomaaliyeey, Soomaaliyeey...??"- ayey nafta silac uga suulidoontaa. |
ERAY BIXIN
-Ajuuraan: |
waa dad soomaali ah oo weligoodba degaan - wadaagaye Abgaalka, xoolaaleey iyo beeraleey u badan; |
| -Jiiddo : |
waa soomaali degta shabeellada hoose, Qoryooleey, Diinsoor, Jilib iyo Burhakaba, una badan xoolaleey iyo beeraleey; |
| -Abgaal : |
soomaali, xoolo dhaqato iyo beeraleey, kuna dhan gobolka Benaadir, Mareeg, Geedraran, Masegaway... |

1-seerada : |
soohinta ama soohdinta, ama xuduudka :waa qaxootiga maanta xuduudka gooye; |
| 2-suunleey : |
dhiisha yarta oo xariga leh ee gacanta lagu qabsado, laguna shubto caanaha; waxa keliya oo u harey |
| 3-saamidoonaa: |
lagu ilaalin doonaa (waxa ay ka dhigan tahay in ay yihiin dad naftooda loo baqo sida madaxda); |
| 4-suulidontaa: |
waxa ay ka dhigan taahay in ay jiri doonaan dad gaaja iyo silic u dhiman doona.- |
dib u noqo |