Dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed ...  
  Sheekooyin ::
    "Hadal aan fiirso loo oran iyo caano aan fiiqsi loo dhamin, way kula fogaadaan"
Sheeko soomaaliyeed
    Go'aan jiir

Murti Soomaaliyeed :- " Go'aan Jiir ".

doolli/jiirJiir baa meel degganaa. Hog ayey ka dhisteen meeshaas.
Bisad baa godkii ku ogaatay, waxayna ku sugtay godka afkiisa, midkii soo baxaba way cuntaa.
Markay bisadii cuntay dhowr jiir, ayey talo ku cadaatey jiirkii.
Malintii dambe ayey shir qabteen.
Jiir oo dhammi shirkaa wuu ka soo qayb galay:- mid yar, mid weyn, iyo mid caaqil ahba.
Talo waxay ku dhammaatey in bisada layska qabto. Waxaase la is- weydiiyey sida laysaga qaban lahaa bisadda.
Madaxdoodi waxay ku talisay in bisadda koor qoorta loo geliyo.
Jiir waaya-arag ah baa kacay oo yiri:-
"in koor qoorta loo sura way fiican tahay, waxaase la rabaa ninkii u suri lahaa".

Talo iyo shir jiir halkaas ayaa u dambeysey.-
mukulaal, bisad

EREY-BIXIN

jiir= dolli
hog= god
bisad= mukulaal
caaqil= waayeel, madax
koor= dawan
talo= arrin


dib u noqo

 
 
Infos
Somaliway.com ©1999-2012