LABA DAMEER
Nin baa wuxuu lahaan jiray laba dameer oo uu ugu dhaamin jiray magaalo. Nafaqada reerkiisana halkaa ayey ka soo geli jirtey. Laakinse wuxuu ahaa nin aan naxariis lahayn, cawska iyo balka na si fiican uma siin jirin.
Labadii dameer markii ay u adkeysan waayeen dhaqan iyo dhaqaale xumada lagu hayey ayey ku tashadeen in ay fakadaan oo ay galaan duurka. Habeenkii dambe ayey labadii dameer fakadeen oo aadeen duurka iyo baadiyaha fog. Halkasna, waxay ka heleen doog fara badan, aadna way u cayileen una raysteen.
Muddo kadib ayaa Jiilaal soo food saaray, noloshiina ku yar adkaatay, markaas ayaa labadii dameer midkood yiri: "War ina keen ku noqonee ninkii ina lahaa intaan jilaalkani cidla inaga helin". Midkii kale baa wuxu ku jawabay: "War aakhirona meel la tago lehee, anigu ku noqon maayo ninkii an ogaa. Jiilaalkaas baan ka doortay rarasho iyo gumaysi aan naxariis lahayn."
Labadii dameer midkood wuxuu ku haray doorkii, kii kalena wuxu u soo laabtay ninkii lahaan jiray. Ninkii ayaa, isla mar ahaantiiba heeryadii saaray oo raray kuna dhaansaday. Dhowr bilood ka bacdi ayuu yidhi : "War dameerkii kale halkaad kaga timid, kaalay i tus".
Ninkii iyo dameerkii ayaa isa soo raacayoo. Waxay aadeen duurkii, waxayna u tageen dameerkii kale oo roob u da'ay, aadna u cayilay, 'geeso dhaadheerna' bixiyey. intay ka cabsadeen ayey dib uga soo laabteen.
Dameerkii gumeysiga iyo rarashada diiday wuxuu isku beddelay biciid oo kale, kii oggolaadey gumeysiga iyo darxumaduna wuu itaal gabay, wuuna ka shallaayey.
dib u noqo
|