Waxaa
jirtey in 1953 dii ay sheeko na dhexmartay aniga iyo nin
ajnabi ah ee waqtigaa aan u shaqeyn jirey ee magaciisu
ahaa Milloni. ( sida aad xasuusan tihiin waxey ahayd waqtigii
tobankii sano ee'Protettorato', run ahaantiina ahaa gumeysi
dadban).
Sheekadaa waxey
ku saabsaneyd arrinta calan saarka ee dhici lahaa sanadka
1954 ta.
Millooni isagoo igu jeestajeesteeynayo, ayuu yiri : "
Idinku, haddaad soomaali tihiin, waxaad mar dhow qaadan
doontaan calan dowladnimo ; annaguna , haddaanu nahay
ajnabi, waanu idinka tegi doonnaa ; laakin waxaanu reebeynaa
dad aanu si khaas ah u tarbiyeeyney. Arrintaasuna waxey
fursad noo siin doontaa in aanu dalka ku soo noqono 1990,
ee Cali sidaa ula soco, waa iga digniin. "
Haddii, maanta
aan dib u fiiriyo dumidda qaranka soomaaliyeed, waxaa
is weydiin leh:
"
Toloow arrintu ma qorsheysneeyd????"
II
1957dii, waxaa kaloo sheeko na dhexmartey aniga iyo nin
ajnabi ah ee magaciisu ahaa Bitis.
Waxaanu waqtigaa ka wada shaqeyn jirney Bangiga 'Credito
Somalo' ee Gobolka Jubada Hoose, saldhiggiisuna ahaa magaalada
Jamaame.
Waxaanu ku wada
shaqeyneyney daraasad projet horumarinta Gobolka, waxaan
damcey in aan tusaaleeyo muhimada ku jirta in gobolkaa
beeraaleyda ah, laga dhiso " siiloosyaal " saaid
ah oo lagu keydiyo badarka . Meesha aan ka filayey ayidaad
, jawaabtiisu waxa ay noqotey : "Waxba ha ku daalin
, aaqirkooda dameerada ayaa ku hoyan doono ".
Maanta, haddaan
dib u dhuuxo hadalkaa, waxaa is weydiin leh :
"
Toloow arrintu ma qorsheysneeyd????"

F.G. Calan saarka
oo dhacay dhammaadka ( bisha oktober ??) ee sanadka 1954
iyo xornimada lafteeda oo ayadu dhacdey brimo luulyo 1960
waxey ahaayeen laba arrin ee is-daba jooga. Calan saarkaa
waxay ahayd arrin aad u culus, waxey ahayd markii ugu
horreysey ee la arko 'bulugleey' ka taagan meel madaxayaga
ka sareeysa. Waa arrin weligeeda qalbigeenna aan ka bixi
doonin.-
(
xaaji-cali )