xaaji-cali

Somaliway.com

Dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed

Arar | Luqad | Arkiviyo | Xiriir | Forum|

  "I follow the Way of Love, and where Love's caravan takes its path, there is my religion, my faith." (Ibn 'Arabi)

Xaaji-Cali
Toloow arrintu ma qorsheeysneeyd???

Waxaa jirtey in 1953 dii ay sheeko na dhexmartay aniga iyo nin ajnabi ah ee waqtigaa aan u shaqeyn jirey ee magaciisu ahaa Milloni. ( sida aad xasuusan tihiin waxey ahayd waqtigii tobankii sano ee'Protettorato', run ahaantiina ahaa gumeysi dadban).

Sheekadaa waxey ku saabsaneyd arrinta calan saarka ee dhici lahaa sanadka 1954 ta.
Millooni isagoo igu jeestajeesteeynayo, ayuu yiri : " Idinku, haddaad soomaali tihiin, waxaad mar dhow qaadan doontaan calan dowladnimo ; annaguna , haddaanu nahay ajnabi, waanu idinka tegi doonnaa ; laakin waxaanu reebeynaa dad aanu si khaas ah u tarbiyeeyney. Arrintaasuna waxey fursad noo siin doontaa in aanu dalka ku soo noqono 1990, ee Cali sidaa ula soco, waa iga digniin. "

Haddii, maanta aan dib u fiiriyo dumidda qaranka soomaaliyeed, waxaa is weydiin leh:

" Toloow arrintu ma qorsheysneeyd????"

II


1957dii, waxaa kaloo sheeko na dhexmartey aniga iyo nin ajnabi ah ee magaciisu ahaa Bitis.
Waxaanu waqtigaa ka wada shaqeyn jirney Bangiga 'Credito Somalo' ee Gobolka Jubada Hoose, saldhiggiisuna ahaa magaalada Jamaame.

Waxaanu ku wada shaqeyneyney daraasad projet horumarinta Gobolka, waxaan damcey in aan tusaaleeyo muhimada ku jirta in gobolkaa beeraaleyda ah, laga dhiso " siiloosyaal " saaid ah oo lagu keydiyo badarka . Meesha aan ka filayey ayidaad , jawaabtiisu waxa ay noqotey : "Waxba ha ku daalin , aaqirkooda dameerada ayaa ku hoyan doono ".

Maanta, haddaan dib u dhuuxo hadalkaa, waxaa is weydiin leh :

" Toloow arrintu ma qorsheysneeyd????"

F.G. Calan saarka oo dhacay dhammaadka ( bisha oktober ??) ee sanadka 1954 iyo xornimada lafteeda oo ayadu dhacdey brimo luulyo 1960 waxey ahaayeen laba arrin ee is-daba jooga. Calan saarkaa waxay ahayd arrin aad u culus, waxey ahayd markii ugu horreysey ee la arko 'bulugleey' ka taagan meel madaxayaga ka sareeysa. Waa arrin weligeeda qalbigeenna aan ka bixi doonin.-

( xaaji-cali )

tuulada Afgooye

Somaliway.com © 1999-2008

 

 

 

Infos