Waxaa
jirtay sheeko aan qoraal laga haynin, ee khuseysa laba qolo
ee ka mid ah ummadda somaaliyeed ee kala duwan, haddana
dhulkaa aad ogtihiin wadaaga : magacoodu waxaa uu ahaa :
Silcis-Gurgaarte iyo Goobroon. Labadaa qolo ee wada beeraaleey
ahaa, inkastoo ay wada degganaayeen dhulka agagaarka Afgooye
, haddana waxaa gacan sarreeyey qolada Silcis-Gurgaarte,
oo ahaa dad 'ani' ah, sida la sheegayna kibirkoodu gaarey
xad in marka la weydiiyo su'aasha :
-
'Jeli iyo Jelli yaa weyn ?'
Jawaatoodu
noqoto : ' Jeli ayaa weyn' ( Jeli oo marna sidaa loo qoro
marna Giali- waa tuulada ay degganaayeen Silcis-Gurgaarte
oo weli ka jirta agagaarka 'Jambaluul, Ra'yimoog iyo Arrinmoog'/
Jelli na waa Tafsirka Quraanka awal iyo aaqira).
Markey xoolahii iyo xukuumaddiiba gacanta ku dhigeen, Silcis-Gurgaarte
waxey go'aamiyeen haddana in:- :
|
1-Gobroontu
canshuur joogta ah bixiyaan ;
|
|
2-ilmahii
u dhashaana la soo sheego, si loo tirakoobo.
|
Qofkii
ku xadgudbo labada amarna, laga taqalluso. Si ay u meelmariyaan
amarka koowaad, dadkuna u kala soocaan, Silcis-Gurgaarte
waxey gooyeen in ilbaabada guryaha Gobroontu degganaayeen,
in bidix loo rakabo ama loo dhiso, kuwa Silcis-Gurgaartana
midig loo rakabo, si guryaha loo kala garto.
Si
ay u hubiyaan hirgelinta amarka labaad, waxey Silcis-Gurgaarte
ka dhistey magaalada gees-ka-geeskeeda, ayagoo safan, dhismo
la yiraahdo 'raar': mid walba ka sameysan afar tiir oo midkasta
qof saaran yahay. Markaana,qofba qofka kale u baaqaya, una
sheegaya ilmahii dhashaaba, ama arrintii la doonaba. (Waa
isgaarsiin casri ee ka horreysey tan waqtigaa).
Markii
ay shacbigii Gobroontu ee magaalada u adkeysan waayeen sida
loo xirxiray, waxey go'aansadeen in ay iska kiciyaan Silcis-Gurgaarte.
Gobroontu,
inkastoo laga gacan sareeyey, haddana waxey ahaayeen dad
ku dheereeyey Quraanka, xirfadda ay ka gaareena 'asraarta'na
weli lama arkin. Sidaa awgeed ayey shir u fariisteen, bilaabeena
inay 'Burji xisaabaan' ( sida aad ogtihiin Burji macnihiisa
la soo gaabiyey waa 'awood, quwad, xoog' ; burji xisaab=
waxa u tilmaamayaa ama xisaabayaa, awoodda qofka raba inuu
dagaal galo.)
Burji
xisaabintii waxey soo saartey in Gobroontu aysan haba yaraatee,
nasiib u laheynin iney keligood iska saaraan Silcis-Gurgaarte,
ee loo baahan yahay in ay 'cid burji sare' ay gacan ku siiso
ujeeddadoodu. Waxaa jirtey waagaa, in qolooyin ka yimid
waqooyiga ay badar u soo doonan jireen dhulkaa beeraleeyda,
qolooyinkaa waxaa ka mid ahaa qolo la yirahdo Wacdaan Cosmaan
(waa Abgaal Cosmaan walaalkii).
Burji-xisaabintii
Gobroontu, cirka ayeey isku tallaashey markii magaca Wacdaan-Cosmaan
lagu darey xisaabta; waxaa markaa dantu qasabtey in gogol
loo dhigo Wacdaankii : heshiisna meeshii ka dhex dhaco ayaga
iyo Gobroon. Asraartii ka soo baxdeyna heshiiskaa, ay ku
fillaatey in ay kiciso Silsicis-Gurgaarte - illaa iyo haddana
lama hayo meesha ay ku dambeeyeen-.
Sidaa
ayuu Wacdaan-Cosmaan maanta weli ku deggan yahay dhulkaa
Afgooye: dhinaca Lafoole iyo Balbayeeri, dhulkaas oo aan
horey u ahaan jirin deegaankooda caadiga ahaa.
ERAY
BIXIN
|
Dad
ani ah = dad kibir badan
|
|
'Jeli'
oo marna loo qoro 'Giali' = waa tuulada ay
degganaayeen Silcis-Gurgaarte, oo weli ka jirta agagaarka
'Jambaluul, Ra'yimoog iyo Arrinmoog';
|
|
Jelli
: tafsiirka Quraanka, awal iyo aakhir;
|
|
'raar'
: dhismo sida tan maanta laga helo xabsiyada et is-daba
tirsan, ilaalana dul saaran tahay;
|
|
'asraar ama asma' = waa Quraan dadka lagu
gubo, laguna kiciyo; waxaa tusaale mudan in qolo kasta
ee soomaliyeed ay tirsaneyso dad ku dheereeya cilmiga
asraarta, ama asmada, laakin xirfadda ay ka gaareen
Goobroontu weli lama arag mid la mid ah;( sixir)
|
'Burji
xisaab'
= waxa u tilmaamayaa ama xisaabayaa,
awoodda qofka raba inuu
dagaal
galo
|
|
|
|
F.G.:-
waxaa kaloo la sheegay in magaca Afgooye
ahaa mid ay Silcis-Gurgaarte u bixisey tuuladaa, canshuurta
ay ka qaadayeen darteed;
|

Xaaji-Cali
(sheekooyin
kale)



|
Somaliway.com
© 1999-2008
|